Waa sidee xaaladda degaanadii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Sool?

by admin | Saturday, Aug 26, 2023 | 59 views

Xaaladda gobolka Sool ayaa maanta deggen, kaddib makii shalay halkaasi ay ka dhaceen dagaallo ay ciidamada SSC- Khaatumo kula wareegeen taliskii ciidamada Somaliland ee Gooja Cadde iyo degaano kale.

Ciidamada SSC- Khaatumo ayaa saaka lagusoo waramayaa inay difaac adag ka sameysteen degaanka Guumays oo wax yar u jira degmada Oog oo katirsan gobolka Togdheer.

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye) ayaa ku amray ciidamada SSC in aysan gudaha u gali karin Oog, isagoo faray ciidamada inay isku diyaariyeen difaaca degaanada ay qabsadeen maalintii shalay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmidoonaan maxaabiista ciidanka Somaliland, wuxuu sheegay muhiimadooda inay ahayd inay gaaraan qabashada taliskii ugu weynaa ee Gooja Cadde.

Abaanduulihii guutada 12-aad ee ciidamada Somaliland, Feysal Cabdi Bootaan, ayaa kamid ah maxaabiista gacanta ugu jira maamulka SSC- Khaatumo.  Maamulka SSC ayaa sheegay inuu sargaalkan dambiyo dagaal oo waawayn ka galay shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Waxayse sheegeen in aysan ku sameyndoonin isaga iyo maxaabiista kale wax xad gudub ah oo ka dhan ah xaquuqdooda maxaabiisnimo .

Like it? Share it!

Leave A Response