Mucaaradka Somaliland oo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidamada millateriga

by admin | Saturday, Aug 26, 2023 | 97 views

Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa shacabka ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan ciidamada millateriga.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay midnimo.

“Waxaan shacabka Somaliland ee xariirta ah usoo jeedinaya in ay mid ahaadaan, oo ay isku duubnaadaan, oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda iyo ilaalinta haybadiisa” Musharax Cirro ayaa sidaa yidhi.

Waxa uu ciidamada millateriga ugu baaqay in ay isku duubnaadaan, isla markaana, waxa uu sheegay in millaterigu yahay ciidanka ay Somaliland ku taagantahay.

Cirro waxa uu sheegay in qoraalkii kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga ee lagu sheegay in ciidanku ay amar xukuumadeed kaga soo baxeen Goojacadde aanu jawaab shacabka u noqon karin, isla markaana loo baahanyahay in xukuumadu dadka qanciso.
Guddoomiye Faysal ayaa isna shacabka ugu baaqay in la garab istaago ciidamada millateriga, isaga oo ugu baaqay in ay kala saaraan siyaasada iyo calanka.”Maanta waxa loo baahanyahay in ciidamadeena la garab istaago, dhacdooyinkan baryahan socday waxaynu kaga gudbaynaa midnimo, waa in aynu kala saarnaa calanka iyo ciida iyo maamulka xun” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sidookale ciidamada ugu baaqay in ay midnimadooda ilaashadaan, kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay saraakiisha qaarkood uu sababay in laga qabsado saldhigyadoodii bariga Sool.

Like it? Share it!

Leave A Response