Waa sidee xaaladda Magaalada Laas-Caanod oo dagaal xoogan uu ka dhacay?

by admin | Sunday, Mar 19, 2023 | 135 views

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo shalay dagaal saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhinacyadu ay weli isku hor-fadhiyaan Goobihii ay ku dagaalameen ee duleedka Magaalada Laas-Caanood, waxaana dagaalkii shalay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Dad ku sugan Magaalada Laas-Caanood ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo maadaama weli ay ishor-fadhiyaan dhinacyadi dagaalamay.

Somaliland iyo xoogaga SSC ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay ku dhexmaray duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyada oo saaka xaaladu ay tahay mid degan.

Like it? Share it!

Leave A Response