Waare oo xilka ka qaaday mid ka mid ah Wasiirada gacanta midig u ahaa

by admin | Thursday, Jul 18, 2019 | 804 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkiisa Maaliyadda oo ka mid ahaa Wasiiradii gacanta midig u ahaa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay markii uu tixgeliyay muhiimadda ay leedahay in isbedel iyo dib u habeyn lagu sameynayo nidaamka Maaliyadeed ee Hirshabeelle xilka looga qaaday Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ahaa Wasiirka Maaliyadda.

Xilka Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay C/Shakuur Abuukar Xasan oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Hirshabeelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha xilka loo qaaday Mr Maxamed Maxamuud Cabdulle ay la xiriirto xiisaddii muddooyinkii la soo dhaafay ka taagneyd Beledweyne ee ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo arrimo la xiriira lacagaha canshuuraha oo la isku hayay qaabka loo maamulayo.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka jirta xasillooni la’aan xilalka iyo jaanta rogan xaga maamulka, iyadoo uu ka mid yahay maamulada ugu liita ee aan laheyn hey’addo fuliya adeegyada aas aasiga ah ee bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response