Wabiga Shabeelle oo Laga Cabsi Qabo Inuu ku Fataho Baladweyne

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 1277 views

Wabiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne e xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga cabsi qaba inuu fatahaad ka geysto qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada islamarkana ku dhow jiinka wabiga.
Roobab ka da’ay magaalada Baladweyne iyo qeybo ka mid ah gobolka ayaa buux dhaafiyay wabiga taasoo cabsi badan ku abuurtay dadka degan xaafadaha magaalada.
Qoysas ku noola  guryaha ku dhow jiinka wabiga shabeelle ayaa xiligan bilaabaya inay ka barakacan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba inuu ku soo fataho wabiga.
Wabiga shabeelle ayaa inta badan fatahaad ka geysta xaafaddaha ku dhow dhow wabiga islamarkaana  ay kala kulmaan khasaaro iskugu jira naf iyo maal.
Ma jiro wax dadaal ah oo ka socda magaalada Baladweyne oo looga hortegayo fatahaadan laga cabsi qabo inuu geysto wabiga shabeelle.
Wabiga shabeelle ayaa 8-dii bishii May sannadkii 2016-ka fatahaadii ugu darneyd ka geystay magaalada Baladweyne taasoo saameysay guud ahaan magaalada islamarkana keentay in dadka degan Baladweyne ay u guuran deegaanka Ceel jaale ee duleedka magaalada.
Dhanka kale qeybo ka mid ah deegannada uu maro wabiga shabeelle ayaa waxaa xiligan ka taagan cabsi laga qabo inuu fatahaad geysto maadaama wabiga uu biyo badan keenay kadib roobabkii guga ee da’ayay maalmahaan.
Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah meelaha uu fatahaada ka geystay wabiga shabeellee iyadoo si gaar ah u saameeyey dadka ku nool xaafadda Horseed kuwaasoo ka barakacay guryahooda.

Like it? Share it!

Leave A Response