C/raxmaan Cirro: Muuse Biixi Ha Is Casilo Ama Qiyaano Qaran Ayaa Lagu Qaadayaa

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 962 views

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cirro oo  maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi inuu is casilo.
Cirro ayaa sheegay in Muuse Biixi uu been u sheegay shacabka Somaliand, taasi oo ah in ay iyaga Imaaraadka la galeen heshiiskii Berbera, balse wuxuu cirro tilmaamay in heshiiskaasi ay gashay dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga doonayo oo kaliya Muuse Biixi inuu kala doorto Labo arrin oo kala ah, inuu is casilo oo la qabto doorasho madaxweyne ama in lagu qaado qiyaano qaran.
“Mujaahid Muuse Biixi waxa uu been cad u sheegay shacabka Somaliland, iyadoo dowladda Imaaraadka ay sheegtay in heshiiskii Berbera ay la saxiixatay dowladda federaalka ah, Somaliland aysan wax qunsuliyad ama safaarad ku lahayn, ayna ilaalisay midnimada Soomaaliya, halka Biixi uu sheegayey in iyaga iyo Imaaraadka aan loo dhaxeyn, waxaa u furan madaxweynaha Labo arrin, inuu is casilo oo la qabto doorasho madaxweyne ama in qiyaano qaran lagu qaado” ayuu yiri Cirro.
Dhanka kale, C/raxmaan Cirro ayaa ku baaqay in maxkamad lasoo taago madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inuu god ku ridey qarannimada Somaliand.
“Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxaa uu mugdi iyo god ay adag tahay in dib looga soo baxo ku riday qarannimada Somaliland, isaga oo been u sheegay shacabka, galayna qiyaano qaran, sidaasi darteed waa in maxkamad lasoo taagaa” ayuu mar kale yiri Cirro.
Xisbiga talada haya ee Kulmiye weli kama hadal hadalkan ka soo yeeray guddomiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadani.
Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargaash ayaa shalay sheegay in heshiiskii dekadda Berbera ay la saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo keentay in buuq ay ka dhex dhaliso siyaasiyiinta maamulka Somaliand.

Like it? Share it!

Leave A Response