Wafdi Heer Caalami ah oo kusoo wajahan Muqdisho & waddooyinka qaar oo xiran

by admin | Tuesday, Apr 11, 2023 | 231 views

Waxaa Maanta xiran inta badan waddooynka waaweyn ee Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay Maanta Muqdisho ku soo wajahan yahay wafdi Heer Caalami ah oo ka socda Caalamka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Muqdisho uu kusoo wajahan yahay wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterrs, waxaana dhammaan xiran laga soo bilaabo wadada wadnaha ilaa waddooyinka gala Garoonka Aadan-Cadde.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa u diidaya in Gaadiidka noocyadooda kala duwan ay kasoo gudbaan wadada Maka Al-mukarama, waxana taasi keenta in dadku ay lugeeyaan oo ay cagtooda maalaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterrs ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Hadii uu Maanta yimaado Magaalada Muqdisho Antonio Guterrs ayaa waxaa ay u noqoneysaa markii labaad uu imaanayo Muqdisho, waxaana ugu dambeysay sanadkii 2017-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response