WALAACA laga qabo XEERKA CUSUB EE SAXAAFADDA soomaaliya {warbixin}

by admin | Monday, Jul 8, 2019 | 777 views

Maanta xildhibaannada Aqalka Hoose (Baarlamaanka) waxay meelmariyeen Xeerka Cusub ee Saxaafadda Soomaaliya (wax ka beddelkiisa).

Xeerkan oo nuqul ka mid ah uu isoo gaaray, ayaa waxaa ku jira arrimo dhibaato ku noqon doona suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan warbaahinta, haddii aan meeshiisa hadda lagu joojin!

QODOBKA 5aad (T): Ganaax lacageed oo dhan shilin Soomaali u dhigma US$300 ilaa US$1,500 (Saddex boqol ilaa kun iyo shan boqol oo Doolar), kaasoo lagu ganaaxayo tifaf-tiraha ama mas’uulka xarunta warbaahinta ee jebiya sharcigan;

QODOBKA 9aad (X): Warbaahin kasta sida: Idaacad, Telefeshin, Wargeys, Madbacad, Sheneemooyin, Dugsiyada tababarka saxaafadda, Shirkadaha xayeysiinta iwm (ha ahaadeen qaar hadda shaqeeya ama kuwa cusub oo la furayo) waa inay dhigaa lacag dabaaji ah oo qiimaheeda goyn doonaan Gudiga Warbaahinta Soomaaliyeed.

QODOBKA 13aad (1): Kadib dhaqan-galka sharcigan warbaahinnada horey u jiray waxay soo weydiisanayaan dib u diiwaan galin muddo 60 cisho gudahooda,waxaana la waafajinayaa sharcigan.

QODOBKA 14aad (2, 3, 4): Guddiga Warbaahinta Soomaliyeed wuxuu noqonayaa 9 (Sagaal Xubnood) oo ka kala imaanaya:-

B) 2 xubnood oo laga soo magacaabayo heer qaran.
T) 7 xubnood, oo hal xubin maamul goboleedkiiba soo magacaabo. Iyo Gobolka Banaadir.

QODOBKA 16aad (1): Warbaahin kasta sida: Idaacad, Telefeshin, Wargeys, Madbacad, Sheneemooyin,
Dugsiyada tababarka saxaafadda, Shirkadaha xayeysiinta iwm (ha ahaadeen qaar hadda shaqeeya ama kuwa cusub) waxay iska diiwaan-gelinayaan Wasaaradda Warfaafinta Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo guddiga warbaahinta soomaaliyeed.

QODOBKA 17aad (1): Warbaahin kasta oo gaar loo leeyahay ama shisheeye ee ka howl gasha dalka, waxaa laga qaadayaa khidmad ruqsad diiwaan-gelin iyo khidmad- sannadeed sida ku xusan qodobka 16aad, waxaana lagu xaddidayaa shaxda tariifada canshuuraha dalka.

QODOBKA 18AAD (1): Qofkasta oo ku shaqaynaya xirfad Wariye waxaa lagu qorayaa diiwaanka Wariyeyaasha kadib marka la hubiyo xirfadiisa Wariyenimo isla markaana Guddiguna usoo gudbiyo Wasaaradaha Warfaafinta Dalka ka jirta si loo siiyo warqadda aqoonsiga suxufinimada kadib marka uu buuxiyo shuruudaha.

QODOBKA 29AAD (J): Haddii muwaadinka, hay’adda ama Dawladda lagu been abuurtay ama la sharaf dilay ku qanci waayaan raalli-gelinta la bixiyey, waxay xaq u
Leeyihiin inay ugudbiyaan maxkamadaha awoodda u leh dacwad lid ku ah been-abuurka asayagoo ku soo bandhigaya cabashadooda.

Qodobka 40aad (1): Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu wuxuu awood u leeyahay:-

B) La socosho iyo u guurgalka shaqada Guddiga Qaran ee Warbaahinta
J) Warbixin ka dhegeystaa, jiheeya shaqada Guddiga Qaran ee Warbaahinta
K) Dhegeystaa, waxna ka qabtaa cabashooyinka iyo soo jeedinada Guddiga Qaran ee Warbaahinta
X) Codsan karaa kulan isaga iyo Guddiga, marka uu u arko in baahi loo qabo
KH) warbixin ka siinayaa Golaha Wasiirada Waxqabadka Guddiga
R)Soo jeedin karaa wax ka beddelka Guddiga Qaran ee Warbaahinta.
S) Soo jeedin karaa wax ka beddelka Xeerkan
SH) Qaadi karaa tillaabooyinkii kale oo u arko danta qaran, haddii ayan ka horimaanayn xeerkan.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response