WAR DEG DEG AH: DUQEYN KA DHACDEY DEGMADA JILIB IYO SARAAKIIL ALSHABAAB OO IS LAAYEY…

by admin | Friday, Nov 29, 2019 | 543 views

Wararka naga soogaaraya Degmada jilib ayaa sheegaya in caawa lagu Dilay sargaal sare oo katirsan Amniyaadka Al shabaab iyo Darawalkiisa kadib markii lala beegsadey duqeyn xaga cirka ah xili uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada jilib sida ay xaqiijiyeen saarkiil katirsan war doonka soomaaliya.

Gaariga uu watey ayaa lagu sheegey nooca Languruusal loo yaqaano.

Saraalkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Asad ayaa lasheegey in uu kamid ahaa saraakiisha ugu saameeynta badan gudaha amniyaadka alshabaab ayadoona wararka qaar sheegayaan in dhawaan loo magacaabey amiirka guud ee Amniga xarakada Alshabaab.

Sarkaalkan ayaa lasheegey in uu kasoo dagaalamey wadamo badan oo caalamka ah sida afgaanistaan, iyo ciraaq sida ay sheegeen ilo wareydyo muhiim ah.

Duqeynta ayaa dhacdey wax yar uun kadib markii uu soo idlaadey shir amniga xarakada looga hadlaayey.

Duqeynta kadib ayaa lasheegey in xaruuntii shirka iska hor imaad xoogan ku dhex marey dagaal yahan ku wada tirsan alshabaab kuwaas oo kala shakiyey.

Iska hor imaadka ayaa lasheegey in uu sababay dhibashada 5 askari oo ku jiro sarkaal qaabilsanaa dhanka istiraatiiyada xogta loo aruuriyo waxaana weli la ogeyn tirada dhaawaca.

Ciidanka dagaalamay ayaa lasheegeyaa in ay ahaayeen ilaalada saraakiishii halkaas kushireysey ayagoona durba saraakiisha hakaasi uga carareen gawaaridii ay ku yimaadeen

Xiriiro aan lasameyney dadka deegaanka ayaa aad ugu gaabsadey ayadoona laga dhex maqlayey telafanadooda dhawaqa rasaas xoogan oo u muuqatey in la is dhaafsanayo.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

Like it? Share it!

Leave A Response