War ka cusub waftigii DF ee ku xayirnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

by admin | Sunday, Jan 6, 2019 | 755 views

Wafti sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku hungoobay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayada oo loo sheegay inaysan ka dhoofi karin, waxayna kadib isaga laabteen hoteellada iyo guryaha ay degan yihiin..

Waftigan ayaa kusii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, hase yeeshee diyaaraddii qaadi lahayd ayaa loo diiday fasax ay uga degto garoonka diyaaradaha Garoowe, kadib amar ka yimid madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas.

Xubnaha waftiga ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Dadaallo ay sameeyeen qaar kamid ah isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday.

Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia, hase yeeshee kuma jiraan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,marka laga reebo xildhibaannada ka tirsan xukuumadda.

Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen,kuwaasoo u yimid arrimaha doorashada.

Isimada Puntland ayaa dhowaan soo saaray go’aan ay ku jabiyeen amarka Gaas, hase yeeshee Gaas ayaa ku gacan seeray go’aanadooda, kuna adkeystay in xubnaha dowladda aanay iman karin Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response