Wararkii ugu dambeeyay Askari dad ku xasuuqay Bangkok

by admin | Saturday, Feb 8, 2020 | 552 views

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu dad badan ku laayay aagga magaalada Nakhon Ratchasima oo sidoo kale loo yaqaano Korat taasi oo dhacda waqooyi-bari Bangkog.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa BBC-Thai u sheegay in Jakraphanth Thomma uu weeraray taliyihiisa ka hor inta uusan toogasho ka fulinin xero milatari, Macbad Budista ah iyo xarun laga dukaameysto.

 

Askariga looga shakinsan yahay inuu falkan geystay ayaa waxaa la sheegeeya inuu isku qarinayo gudaha xarunta laga dukaameysto.

Warbaahinnada maxalliga ah ayaa soo werinaya in ugu yaraan 12 qof ay dhinteen, waxaana weli socda weerarka.

Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya goobta ay toogashada ka dhacday oo u dhaw xarunta laga dukaameysto.

Maamulka ayaa xiray xarunta iyagoona isku dayaya iney gacanta ku soo dhigaan ninka weerarka soo qaaday, kaasi oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo gudaha dhismaha. Booliska ayaa dadka ku boorriyay iney dadka guryahooda ku nagaadaan.

Illaa haatan ma cadda u jeeddada ka dambeeysa weerarka balse askariga weerarka fuliyay ayaa cinwaannadiisa baraha bulshada ku baahiyay xilliga weerarka iyadoo bartiisa Facebook-na uu soo dhigay codsi ah inuu isa soo dhiibi karo iyo in kale.

Like it? Share it!

Leave A Response