Wararkii ugu dambeeyay diyaar garow ka socdo Garowe iyo Wafuud kala duwan oo maanta tagaysa

by admin | Friday, Jan 25, 2019 | 759 views

Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa loogu jiraa soo dhaweynta madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee maanta la filayo inay tagaan magaalada Garowe.

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Garowe ay gaaraan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno kale oo mucaarad ah.

Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadii ugu badnaa la dhigay hareeraha magaalada Garowe, maadaama beri ay ka dhaceyso Garowe xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Xubnaha Mucaaradka, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubnaha talada iminka haya ayaa tagaya magaalada Garowe, waxaana aad loo hadal hayaa waxyaabaha ka dhici kara magaalada Garowe, maadaama ay isku arkayaan xubno warbaahinta kaliya iska weerari jiray.

Waa xafladii ugu horeysay oo ay isku arkaan xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka dalka, waxaana madaxweyne Deni uu wadaa dadaalo ay ku wada hadli karaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda.

Qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa maanta sidoo kale la filayaa inay tagaan magaalada Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response