Warbixin:-baladweyne sare u kac ku yimid Qiimaha Maciishada daruuriga ah

by admin | Thursday, Jul 27, 2023 | 178 views
Labadii cisho ee ugu danbeysay, waxaa qaali noqday, maciishada quutal daruuriga ah, waxaana arrintan walaac ka muujinaya inta badan dadka ku nool magaalada baladeyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Sara u kacan ku yimid maciishada, ayaa si gaar ah u saameeyey dadka dhaqaalahoodu uu liito, ee ku sugan gudaha magaalada baladweyne iyo deegaanada kale ee gobolka hiiraan.

Raashinka qiimihiisu cirka isku shareeray, waxaa ka mid ah: sonkorta, burka, bariiska, baastada iyo saliida, waxaana iminka la iibinayaa qiimo ka sareeya, halkii uu joogay labbo toddobaad ka hor.

Dadka cabanaya, ayaa sheegaya in ay waayeen, cunno ay dhuunta mariyaan hal xilli oo ka mid ah, 3-da waqti ee ay dadku wax cunnan, waana arrin sii adkeyneysa, xaaladooda nololeed, oo markii horeba liidatay.
qaar ka mid ah ganacsatada ku nool  magaalada baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in wada xiriisa  baladeyne iyo matabaan la soo dhigay isbaarooyin lacag badan loogu qaado gaadiidka taas oo keentay in gaadiid badan aysan imaan magaalada baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response