Wasaaradda Waxbarashada XFS oo isbadal ku sameysay waxbarashada dalka, iyada oo Dugsiyada la dhigan doona 6 maalin{AKHRISO}

by admin | Thursday, Jul 27, 2023 | 144 views

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isbadal ku sameysay sannad dugsiyeedka waxbarasho ee dalka, kaddib warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda July 26, 2023-ka.

Isbadalka ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya soo saartay ayaa ka bilaabanay sanad dugsiyeedka 2023-2024, iyada oo Wasaaradda dhammaan isbadal ku sameysay maalmaha waxbarashada la aado, xiisadaha la qaato iyo bilaha fasax Dugsiyada dalka.

Jadwalka ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa qeexaya waqtiga rasmiga ee la furayo dhammaan dugsiyada dalka, iyada oo sanadkaan la furayo September 2, 2023-ka iyada oo kalkii hore dugsiyada dalka la furi jiray bilawga bisha siddeedaad ee Augusta.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa maalmaha waxbarashada waxa ay ka dhigtay 6 maalin iyada oo ebalkii hore waxbarashada la aadi jiray 5 maalin taas oo hadda ka dhigan in Ardeyda Dugsiyada ay fasax yihiin maalinta Jimcaha oo kaliya ah.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xiisadaha ay qaadanayaan Ardeyda ka dhigtay maalintii 7 xiiso, halka ebalka hore ay ka ahaayeen 6 xiiso maalintii, sidoo kale diiqadadaha xiisadaha ayey Wasaaraddu kordhisay.

Fasax sanadka ayaa Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dhigtay bilaha Luuliyo iyo Aguusto, halka hora ay u ahaayeen bilaha 6aad iyo 7aad. Sidoo kale wasaaradda ayaa bisha 6aad ee sanadka u asteesay in ay tahay bisha la galayo imtaxaanka Qaranka iyo kan caadiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay, “wasaaraddu waxay adkeyneysaa muhiimadda fulinta sacaadaha waxbarasho ee Manhajka Qaranka, si loo ilaaliyo halbeegyada tayada waxbarashada, loona helo ubad Soomaliyeed oo xambaarsan tacliin u dhiganta mida dunida kale. Haddaba, hay’adaha ay ku socoto warqaddan waxaa la faryaa in ay dhaqan galiyaan fulinteeda.”

Nidaamkaan cusub ayaa la filaya in guud ahaan dalka laga hirgaliyo marka laga reebo maamulka Puntland oo waxbarashadiisa gooni u maamushta, haddane ma cadda in ay ku egtahay isbadalka Dugsiyada ay dowladda Maamusho iyo in ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay.

Halkaan hoose ka akhriso jawdalka cusub ee soo saartay Wasaaradda:

Like it? Share it!

Leave A Response