Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle: “Wajiga 2aad ee howlgalka waa Deegaannada Galbeedka ka ah Wabiga Shabeelle”.

by admin | Sunday, Feb 5, 2023 | 249 views

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan ee Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in ciidamu ay u tallaabi doonnaan deegaannada dhaca Galbeedka Wabiga Shabeelle.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in deegaanno badan oo katirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan DG Hir-Shabeelle in uu maro Wabiga Shabeelle, waqtigaan ayuu tilmaamay in biyaha ka gureen (Qalalan yahay), Gaadiidka & Dagaalamayaasha ‘AS’ ayuu shaaciyay in ay kasoo gudbaan si ay u weeraraan deegaannadii laga qabsaday.

Kahor Bisha Maarso 2023 ayuu sheegay Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre in la galayo wajiga ugu dambeeya ee howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ si looga xaqiijiyo in guud ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedkaas laga qabsaday waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dhammaan deegaannada Argagixisada laga saaray waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda, Hir-Shabeelle & kuwa deegaanka, sababta keentay in ay dib usoo weeraraan meelaha laga qabsaday waxa ay ka dhalatay kaddib markii wabiga Shabeelle uu guray, Meelo badan oo Hir-Shabeelle ayuuna maraa, sida inoo qorsheysan waxaa goordhaw billaabanaya howlgal ka dhan ah Khawaariijta ugu dambeyn Bisha Maarso si loosoo afjaro kooxda naf la caariga ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle.

Dhanka kale Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in la kala jaray isu gudubka ‘AS’, deegaannada xiga Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed & Dowlad-Deegaanka Soomaalida laga xayiray isu socodkooda kaddib markii laga qabsaday Magaalooyin muhiim u ah marinkooda.

Howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & Dadka Deegaanka ay wadaan ayuu sheegay Wasiirka Amniga in uu barbar socda barnaamij loogu magac daray xasilinta si Bulshadu ay u hesho adeegyada ay u baahan tahay, sida goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maxkamad & Xarumaha Amniga laga sugo.

DG Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in horumar wanaagsan ka gaartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe, Xildhibaanno, Wasiiro heer federal & heer Dowlad-Goboleed, Siyaasiyiin & shakhsiyaad kale ayaa tagay deegaannada howlgallada ka socdaan si ay sheegeen in ay u dhiirrageliyaan ciidamada iskaashanaya.

Like it? Share it!

Leave A Response