Wax ka ogow Aduun lacageedka ku baxaya Arooska Amiir Harry iyo Meghan ee Dalka UK.,

by admin | Friday, May 18, 2018 | 1118 views

Saacado kooban ayaa naga xiga maalinta sida weyn loo wada sugayo ee arooska sanadka loogu magac daray, taasoo ah maalinta Amiir Harry oo ka tirsan boqortooyada Ingiriiska uu guursan doono Meghan Markle oo ah hawaaneey u dhalatay Mareykanka, arooska oo ka dhici doona Windsor, ayaa ku beegan 19 bishan.
Amiir Harry waxaa ayeeyo u ah boqorada Ingiriiska, waxaana  dhalay wiilka boqorada iyo Amiirad Diana. Amiir Harry waxaa uu guursanayaa Meghan Markle oo ah gabadh aflaamta jisha oo u dhalatay dalka Maraykanka.
Amiir Harry waxaa uu dhaxalka saldanada Ingiriiska kaga jiraa kaalinta lixaad.
Qiimaha dhaqaale ee qorsheynta adeegga arooska ku baxaya maalintan ayaa lagu qiyaasay in badan aduun dhan £32m, halka qiimaha ku baxaya ammaankuna uu gaarayo ilaa £30m.
Arooskii kan ka horeeyay ee Amiir William iyo Kate Middleton ee sanadkii 2011, waxaa dhanka ammaanka lagu kharash gareeyay lacag dhan £6.35m, kaas oo noqonaya qiime aad uga yar qiimaha arooska dhowaan dhici doona.
Sababta keentay inuu kor u kaco dhaqaalaha ku baxaya arooska ayaa lagu sheegay, arooska oo aan lagu qaban doonin bartamaha London kaddib weerarradii 18-kii bilood ee la soo dhaafay iyo sidoo kale khatarta sii kordhaysa ee ah xiriirka Amiir Harry uu la leyahay Militariga Britan.
Qoyska boqortooyada ayaa bixin doona inta ka hartay dhaqaalaha arooska, maadaama ay maal gellin ka helayaan bangiyadda dadwaynaha, waxaana aad u adag in la sheegyo qiimaha rasmiga ah ee ku baxaya arooska.
In ka badan laba kun oo xubnood ayaa ka soo qeyb geli doona dabaal degga maalintan oo ka dhici doonta qasriga boqortooydada ee Windsor oo 34 km u jira galbeedka London.
Labada  Lammaane ee isguursanaya waxay kulmeen markii ugu horreysay sanadkii 2016-kii,  Ayagoo kadibna ku heshiiyay in ay markale dib u kulmaan.
Adduunka oo dhan ayaa indhaha ku haya arooskan, ayadoo dad aad u badan oo dunida daafaheeda kala joogana ay ka daawan doonaan Tv-yada aduunka.
Xigasho Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.,,,,,,

Like it? Share it!

Leave A Response