Wiil Dhalinyaro ah oo lagu diley degmada Balcad

by admin | Tuesday, Mar 10, 2020 | 573 views

Wiilkaan Dhalinyarada ahaa oo kamid ahaa dadka ku nool degmada Balcad ee Gobolka Shabelelaha Dhexe ayaa waxaa la sheegay in uu diley Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Wiilka la diley oo Magaciisa lagu soo koobey Cabdi Fanax ayaa dilkiisa waxaa uu ka dhacay bar-koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad lagana soo galo dhinaca Biyo xireenka degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu yimid,kadib markii Ciidanka Koontoroolka ku sugnaa ay qabteen Wiil dhalinyaro ah oo ay ka shakiyeen ,hayeeshee Wiilka kale ee la diley oo watay Mootada dhugdhugleyda ee labada lug leh uu kusoo dhacay,isla markaana uu isku dayay in uu ka celiyo,hayeeshee muran kadib Wiilkii Mootada watay la diley.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in askari dilka geystay ay Ciidamada Ammanaka Maamulka degmada Gacanta ku dhigeen,isla markaana Xabsiga la dhigey.

Si kastaba dilkaan Wiilka Dhalinyarada ahaa loogu geystay degmada Balcad weli kama hadlin Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad,waxaana dilkaan uu walaac ku abuuray Bulshada ku nool degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response