Xaalada amni ee Magaalada Beledweyne oo sii xumaatay .

by admin | Tuesday, Apr 9, 2024 | 32 views

Dadka ku dhaqan Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay walaac xoogan ka muujinayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, iyadoo ay sii kordhayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka magaalada baladweyne.

Dadka baladweyne ayaa dhac baahsan loo geysanayaa waxayna xuseen in qaar badan oo ka mid ah dadka falkan geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ay ku labisan yihiin dareeska ciidamada dowladda, taasi oo cabsi ku beertay bulshada. Dadka magaalada ayaa sidoo kale sheegay in ay inta badan beegsadaan taleefannada gacanta.

Dhacdo naxin leh ayaa dhacday xalay kadib markii kooxo burcad ah ay isku dhaceen ciidamada deegaanka ee ku sugan xaafadda Buundaweyn .

Dhacdo kale oo ka dhacday bartamaha magaalada, ayaa ciidamo hubeysan oo ku labisan dharka ciidamada ay weerareen suuqa. Mid ka mid ah ganacsatada “Waxay soo weerareen carwada, rasaas iyo dhac, waxayna dadka ku abuureen qalalaase iyo cabsi.” Waxa uu rajo xumo ka muujiyay sida wax looga qaban waayay dambiyada isa soo taraya, isagoo yiri “Xaaladdu way ka sii daraysaa, iyadoo aanay jirin cid madax ah oo gacanta ku haysa, taasoo keentay in la dareemo cabsi xoogan.

Beledweyne waxey mareysaa xaalka amniga meeshii ugu hooseysay, in muddo ah waxaa dhac , dil iyo dhibaato lagu haayay dadka magaalada dagan iyada oo aan loo aaba yeelin.

dhalinyaro laga waayay taleefano ayaa laga siibtay Shaatiyaal, Macawisyo iyo Kabahii aay wateen taas oo sii xumysay xaalada magaalaa baladweyne.

Airportka Beledweyne qolo ayaa dhahday in lacagta wax nala siiyo ma aheene diyaarad soo ma caga dhigan karto.

Wadada xariirsa Beledweyne ilaa Matabaan isbaaroyinka waa taako taako , waa hadal beeshay.

Beledweyne Waa magaalo u jirto Magac ahaan lkn ka dhimaday meel kasta , iyadoo dulmiga iyo dhibaatada dhaceysa aaysan jirin cid ka damqaneysa haddii aay yihiin Maamul, Cuqaal, dhalinyaro iyo Ganacsado.

Dareenka ka jira magaalada Baledweyne waxaa sii xumeynaya loolanka awoodeed ee u dhaxeeya dhinacyo kala duwan oo ka soo jeeda Hiiraan State iyo Hirshabeelle, taasoo sii xumeyneysa xasiloonida gobolka iyo adkeynta dadaallada lagu dhisayo amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response