Xildhibaan Mahad Salaad oo weeraray Sheikh Kenyaawi “Oohinta MA MIDII YAXAASKA OO KALE BAA”

by admin | Thursday, Jan 17, 2019 | 959 views

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar afka ah ku qaaday Sheikh Kenyaawi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa oo ka ilmeeyey hadalo siyaasiyiin qaar ay sheegeen oo ahaa inuu lacag ku qaadanayo wacdinta uu beri ka sameynayo Muqdisho.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:-

AADANAHU WAXA UU OOYAA marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato. LKN WAXAA JIRTA OOHIN KALE oo la yiraahdo OOHINTA YAXAASKA. Waa oraah caan ah oo loo adeegsado dadka oohin beenaadka sameeya. Waa meesha Soomaalidu ka dhahdo “HASHU GEELA IYADAA CUNTA IYADAANA CABAADA”!

Yaxaaska waxa kaliya oo uu ilmeeyaa marka uu raq cunayo ee uu boganayo dheregtiisa. Oraahdaan ayaa igu soo dhacay markaan baraha bulshada ku arkay wadaad illinta iska tiraya, sida hadalkiisa ka muuqatayna ka jawaabayay qoraal maalintii Isniinta aan bogeyga facebookga kusoo qoray. Lkn waxaa nasiib wanaag ah warka uu beeninayo iyo midka uu ku hadlayo in ay isku mid yihiin!

Wuxuu leeyahay: Siyaasiin ima keenin, umana ololaynayo. Hadana wuxuu leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa in ay ii qabteen HOOLKA SHIRARKA SAHAL iyo GAROONKA KUBADA CAGTA EE STADIUM KOONIS isagoo hay’adihii fulinta iyo kuwii Gobolka mid mid u tirinaya!

Sheekhow horta aan ku saxee anigu colna kulama ihi, cuqdadna kuuma qabo lkn waxaan kaaga turayaa cilmiga aad xanbaarsantahay in siyaasada qalafsan ee Soomaaliya kajirta ay kaa wasakheyso.

Sidoo kale Hoolka Sahal iyo Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Koonis waxaa lagu qabtaa shirarka siyaasadeed iyo xafladaha Nabad iyo Nolol marka hadii aad rabto dadka in aad wacdiso waan kugu taageerayaa ee tag Masaajidyada iyo barxadaha waaweyn ee magaalada ku yaalla sida: Abuu Hureyra (Bakaaraha), Al-Hidaaya (Huriwaa), Isbahaysiga, Marwaas iyo CEELASHA BIYAHA, halkaas ayaa boqolaal kun Soomaali ah oo aan lasoo aruurin, diintana jecel kuugu imaanayaane inshaa’allaah.

Hadii aad rabto siyaasada in aad dhex boodana oo cid gooni ah aan lagugu tirina u tag dhammaan qaybaha ku kala ra’yiga duwan siyaasadda ee magaalada kula jooga. Noqona wadaad dhexdhexaad ah oo siyaasiin gooni ah aan garabka ku sidan.

Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo. Lkn hadii warkeygu ku dhibay Sheekhow ka raali noqo.

Like it? Share it!

Leave A Response