Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo qorsheynaya muddo kororsi…

by admin | Monday, Dec 9, 2019 | 626 views

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa qorsheynaya in ay kororsadaan mudada xilhayntooda ku eg dhamaadka sanadka soo socda.

Kulanadii ugu dambeeyay ee xildhibaanada Hirshabelle yeesheen ayaa  waxaa la horgeeyay qorshe wax loogaga bedelayo qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida qodobka qeexaya in muddo afar sano ah ay xildhibaanada shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa kulankii ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle waxa uu ka sheegay in hindisayaasha horyaal xildhibaanada ay ka mid yihiin wax ka bedelka dasruutka Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo ah tiradoodu gaareyso 98 xildhibaan ayaa waxa ay badankood ka mid yihiin golaha wasiirada Hirshabelle.

Dadaalo ay wadaan haatan xildhibaanada Hirshabelle ayaa waxaa ay qorsheynayaan inay helaan saddex daloolood oo labo xildhibaano u codeeya  wax ka bedelka dastiirka Hirshabelle.

Si kasta ha ahaatee xildhibaanada Hirshabelle ayaan qaban waajibaadkoodii shaqo iyadoo dadka u dhuun daloola siyaasadda Hirshabelle ay aaminsan yihiin in xildhibaanadu ay yihiin kuwo aan howlahooda qaban marka lala barbardhigo baarlamaanada kale ee dalka ka jira.

 

Like it? Share it!

Leave A Response