Xilka qaadis lagu sameeyey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka heer qaran.

by admin | Friday, Jan 11, 2019 | 1152 views

Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isla mar ahaanta ka saaray xubinnimada.Sharciga guddiga lagu dhisay ee Sharci Lr.04. Qodobkiisa 10aad. ayaa guddiga awood u siinaya in uu xilka ka qaadi karo xubin ka mid ah haddii ay jebisa sharciga guddiga. Dacwadaha ka dhasha go’aankan guddiga ayaa waxaa kaliya go’aan ka gaari kara maxkamadda sare ee dalka.

Kiiskan ayaa soo socday muddo lix bilood ah, waxana gabagabadii guddigu soo saareen go’aan ay ku caddaynayan in ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen M.ne Sayid Cali oo ahaa xubin ka tirsan isla mar ahaantana guddoomiye ku xigeenkii guddiga.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015. Go’aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa kii u horreeyey guddigu ku qaado xubin ka tirsan.

Like it? Share it!

Leave A Response