Xog: Madaxweyne Xasan oo ku wajahan Dhuusamareeb + Ujeedka

by admin | Sunday, Jan 14, 2024 | 69 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa haatan ka socota Dhuusamareeb, halkaas oo ay diyaar ku yimiid mas’uuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah.

Sidoo kale ammaanka ayaa loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay aagga garoonka iyo gudaha magaaladaasi, si ay sugaan amniga madaxweynaha dalka.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasane Sheekh ayaa la xiriira si uu halkaas uga sii amba qaadi lahaa gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwna ee bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo dhul bllaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaa Xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay muddo laba bilood ah ugu sugnaa Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminayay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Shabaab.

Howlgalladan ayaa qaatay muddo ka badan sanad, waxaana haatan qorshuhu yahay in la bilaabo wajiga labaad oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response