Xubno ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda

by admin | Saturday, Apr 9, 2022 | 398 views

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee ka howlgalla degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandhigeen labo Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay Ciidamada iyo Maamulka degmadaasi.

Labadaan Xubnood oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Tawane Abdi Iyo Deeqow Ibraahin Cabdale.

Waxa  ay sheegeen in duruufo farabadan oo jira aawgood ay isaga soo baxeen Ururka Al-Shabaab oo ay ka tirsanaayeen.

Taliska NISA Saldhiga Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dhalinyaradaan sababaha ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay inay dhibaatooyin farabadan ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo dhaweeynayaan cid kasta oo kasoo tageeysa.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in raggaan ay Gobolo kale uga soo Shaqeeyeen Al-Shabaab, balse markii dambe Gobolka Bakool loo keenay inay kordhiyaan Go’doonka ay Al-Shabaab ku hayaan degmooyinka Gobolkaas.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku kordhay degaannada jubbaland iyo Koonfur Galbeed Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response