Xuduudka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya oo maanta si Rasmi ah loo xeray{sawiro}

by admin | Tuesday, Apr 14, 2020 | 427 views

Howlgal lagu xerayo xuddudka Gobolka Hiiraan uu la wadaago ismaamulka Soomaalida ayaa maanta ka billowday Deegaanno dhaca xuduudka.

Waxaa Howlgalgan hoggaaminaya Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle Cali Jeeyte Cismaan,ciidamada NISA CXD iyo Ciidamada Booliska ayaa howlgalkaagi qeyb ka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo Ciidamada howlgalka fulinaya kula hadlay Feer-Feer ayaa ugu baaqay in aay u istaagan badbaadin bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kusugan Gobolka Hiiraan,madama itoobiya dhowr Kiis oo Cudurka Corona Virus laga helay.

Guddoomiyaha ayaa Amar ku bixiyay in Ciidamada haddii aay qabtaan Qaad laga keenay Itoobiya aay Gubaan,waxuuna dhanka kale guddoomiye jeeyte ku dhawaaqay in guud ahaan dhaq-dhaqaaqii Ganacsi ee Gobolka Hiiraan iyo Itoobiya la joojiyay.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Hirshabelle Ibraahim Xuseen Sheelare,Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne ahne kusimaha Taliyaha Qeybta Gobolka Hiiraan L/xle Muuse Salaad Wehliye iyo Taliya NISA ee Beledweyne L/xle Ibraahim Maxamed Abuur ayaa ballan qaaday in aay fulin doonaan Amarka Madaxda Qaranka,bulshada ayeeyna ugu baaqeen in aay ciidamada amniga la shaqeeyaan.

Tallaabadan ayaa kasoo beegmeeysa xilli Madaxweyne Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu shalay Amar kusiiyay Guddoomiyeyaasha Goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe in aay joojiyaan Qaadka ka yimaada Itoobiya lana xero Xuduudka,aayna dhammaatay waqtigii maamulka Gobolka Hiiraan uu u qabtay in aay xerayaan Xuduudka.

Like it? Share it!

Leave A Response