Xukuumadda Imran Khan oo filayo in kalsoonida lagala noqdo

by admin | Saturday, Apr 9, 2022 | 349 views

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa maanta lagu wadaa in uu codka kalsoonida u qaado Ra’isulwasaaraha dalkaas Imran Khan , kaas oo la filayo in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda Khan.

Balse Khan wuxuu sheegay in uusan aqoonsan doonin dowlad ay soo dhisaan mucaaradka haddii uu waayo codka kalsoonida.

Maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi ayaa amartay in codka kalsoonida la qaado maanta kadib markii todobaadkii hore la diiday.

Imran Khan ayaa ku eedeynaya dowladda Maraykanka in ay dabada ka riixayso dowladda Maraykanka, kadib markii Imran Khan uu booqday dalka Ruushka.

Xisbiyada isbahaysiga la ah xisbiga Khan ayaa qaarkood ka baxay isbahaysiga, waxayna taageerayaan mooshinka ka dhanka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response