Soomaalida iyo saddexda qowmiyad ee ugu badan Kenya.

by admin | Saturday, Sep 16, 2023 | 117 views

Waxaa la saadaalinayaa in tirada dadka Soomaalida ah ee Kenya u dhashay ay kororta tobannaanka sano ee soo socda. Saadaasha ayaa ku salaysan isbeddelladataranka dadwaynaha ee hadda waxaana taageeray xogta Sahankii Qoyska ee u dambeeysay.

Sahanku wuxuu daaha ka qaaday in tirada qoysaska Soomaaliyeed ay ka badan yihiin qoysaska qowmiyadda kale ee dhanka taranka. Raggu waxay guursadaan xaasas badan, waxayna leeyihiin carruur badan. Qoysaska Soomaalida ayaa la barbardhigay kuwa ku nool gobollada Nyeri, Nairobi, Mombasa, iyo Kiambu. Isbarbardhigaas ayaa muujinaya in tirada qoyska Soomaaliga ah ee halkii guriga ba uu ka badan yahay tirada qoysaska guryaha bulshada kale.

Sahanka Miisaaniyadda Qoyska ee Isku-dhafan ee Kenya (KIHBS) ee ugu dambeeyay ayaa tilmaamaysa in magaalooyinka Wajeer, Mandheera, iyo Gaarisa, oo ay ku nool yihiin badi Soomaalida Kenya, celcelis ahaan qoyskiiba ay haystaan lix ilaa toddoba carruur ah.

Magaalooyinkan, Wajeer ayaa leh celceliska tirada qoys ee ugu sarreeya oo ah 6.6 carruur ah, waxaa ku xigta Mandheera oo leh 6.4 carruur ah, iyo Gaarisa oo leh 5.5 carruur ah qoyskiiba.

Degmooyinka Tana River iyo West Pokot waxay leeyihiin qoysas aad u tiro badan, celcelis ahaan 5.4 qof qoyskiiba. Sahanka, oo ay soo saartay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya (KNBS) sanadkii 2019kii, ayaa iftiimiyay in gobollada Wajeer, Gaarisa, iyo Mandheera ay leeyihiin celcelis ahaan tirada qoyska oo ugu badan Kena.

Hoos-u-dhaca tirada iyo taranka qoysaska qowmiyadaha kale.

Sahanku waxa uu walaac ka muujiyay hoos-u-dhaca tirada iyo taranka qoysaska bulshooyinka kale, si gaar ah bulshooyinka degga Kiambu, Nairobi, Nyeri, iyo Murang’a oo la tilmaamay inay yaraanayaan. Isbeddelkan waxaa loo aaneyn karaa arrimo ay ka mid yihiin isticmaalka daawoyinka ka hortagga uurka oo kordhay, iyo heerarka sare ee waxbarashada iyo saameynta magaaleynta.

Aadan Ducaale oo hadda ah wasiirka gaashaandhiga ee Kenya, laakiin ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka xilligii sahanka la sameeyay, ayaa caddeeyay inay sax tahay natiijada sahanka muujinaya tirada qoysaska Soomaalida, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ka tarjumayaan xaaladda dhabta ah ee jirta. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in gobolka Waqooyi Bari oo ay ku nool yihiin tiro aad u badan oo Soomaali ah ay dhaqan iyo diin naceyb ka qabaan hab dhaqanka qorsheynta qoyska ama daawooyinka uurka looga hortago. Marka loo eego Sahanka Dadweynaha iyo Caafimaadka ee Kenya 2014-tii, isticmaalka ka hortagga uurka ee Bartamaha Kenya wuxuu ahaa 73%, halka 3% oo keliya dadka gobolka Waqooyi Bari ay ku dhaqmeen qorsheynta qoyska. Natiijooyinkani waxay la mid yihiin warbixin hore oo tilmaamaysa in Bartamaha Kenya ay hogaamiso adeegsiga hababka qorsheynta qoyska, halka gobolka Waqooyi Bari uu leeyahay heerka isticmaalka hababkan oo hooseeya.

Sahanku waxa uu Gobolka Nyeri ku qiimeeyay in uu leeyahay celceliska tirada qoyska ee ugu yar dalka oo ah 2.9 qof guri kasta. Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa waxay leeyihiin celcelis ahaan saddex qof guri kasta, oo caadi ahaan ka kooban aabbe, hooyo, iyo hal cunug ama hal waalid oo leh laba carruur ah. Waxaa xusid mudan, Kiambu, Kirinyaga, iyo Murang’a, kuwaas oo ay inta badan degan yihiin beesha Kikuyu (kooxda ugu weyn Kenya), sidoo kale waxay leeyihiin qoysas aad u yar.

Soomaalida iyo saddexda qowmiyad ee ugu badan Kenya.

Tan iyo markii xornimada Kenya qaadatay, qowmiyadda ugu badan ee Kenya waxay ahayd beesha Kikuyu, oo ah 17% dadweynaha ama ku dhawaad 6.8 milyan oo qof sida ku cad tirakoobkii 2009. Beesha Luhya ayaa ah tan labaad ee ugu weyn 14%, waxaa ku xiga Kalenjin oo leh 11%. Soomaalida ayaa hadda ku jirta kaalinta lixaad. Qowmiyadahan waaweyni waxay taariikh ahaan go’aamiyaan dhaqdhaqaaqyada awoodeed ee xilliga doorashada sababtoo ah tirada dadkooda. Guddiga Qaran ee Is-dhexgalka (NCIC) wuxuu qirayaa in Kenya ay ka kooban tahay in ka badan 42 qowmiyadood, oo leh asal luqad iyo dhaqan taasoo ah waxa shuruudaha aasaasiga u ah aqoonsiga qowmiyadeed.

Laakiin kororka dadweynaha Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya waa uu saddex jibaarmay, sida lagu muujisay sahanka tirokoobkii ugu dambeeyay. Tirada Soomaalida gobolkaas oo horraantii labadii kun ahad wax ka yar hal milyan oo qof ah ayaa noqday labo milyan iyo toddobo boqol kun, tiradaas oo ay xitaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay ka horyimaadeen, iyaga oo ku doodaya inay ka badan yihiin. Mandheera ayaa noqotay meesha kororkii ugu badnaa muddadan ay ka jirto iyadoo dadkeedu afar jibaarmeen toban sano gudahood.

Soomaalida Kenya ayaa hadda la saadaalinayaa inay ka mid noqon karto saddexda qowmiyad ee ugu badan Kenya tobanaanka sano ee soo socda haddii uu tarankooda iyo kororka tiradooda ay sii joogteeyaan.

Natiijooyinka tirakoobka dadweynuhu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan qoondaynta kheyraadka ee qaab dhismeedka miisaaniyada Kenya. Marka loo eego xeerar cusub oo la soo saary, deegaan doorashada kasta oo uu xildhibaan ka soo galo waa inuu lahaadaa ugu yaraan 170,000 oo qof.

Kaalinta ay hadda Soomaalida Kenya kaga jirto Xilalka la magacaabay ee dowlada Kenya.

Sida ay qortay warbaahinta dalka Kenya, qowmiyadda uu madaxweynaha dalku kasoo jeedo ee Kelenjin ayaa loo magacaabay 21 xil, si la mid ah qowmiyadda uu kasoo jeedo madaweyne ku xigaanke Kenya ayaa Iyana helay 21 magacaabis, intaas ka dib waxaa soo raaca Soomalida oo aan booska saddexaad looga baran waxayna heleen 12 magacaabis oo hay’adaha kala duwan ee dawladda ah.

Mid ka mid ah dadkaas waa Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya in bandanna soo ahaan jiray xildhbaan lagasoo doorto magaalada garisaa haddase waxaa loo magacaabay wasiirka gaashaan dhigga Kenya.

Marka la eego tirada loo magacaabay hogaanka hay’adaha iyo shirkadaha dawliga ah ee Soomaalida ee kaalinta addexaad ku jirta waxay dadku is weydiinkaraan maxay ku muteysatay Soomalidu?

Bilow oo aan suaashan weydiinnay ayaa sheegay in ay dhowr arrimood isu biirsadeen oo ay ka mid tahay in Madaxweynaha hadda uu leeyahay saaxiibbo badan oo soomaali ah iyo in si guud Soomaalida kenya loo arko bulsho aan looga maarmin dhanka ganacsiga maadaamay ay leyihiin ganacsiyo badan, waxaase intaas dheer oo uu Bilow u sababeeyay, in Soomaalidu ay tahay bulsho firin fircoon waxaana suurta gal ah in xitaa shakhsiyaad ay ku helaan ku haboonaantooda shaqada.

Dastuurka dalkan Kenya ayaa qeexay sida sida shaqooyinka noocan ah loogu qaybinayo deegaanada iyo qowmiyadaha uu dalku ka kooban yahay si loo helo dheeli tirnaan dawladeed, haseahaatee dadka kasoo jeeda qowmiyadaha qaar ayaa dawladdan iyo kuwii ka horeeyayba ku dhaliila in aanay habraacaas ku dhaqmin ayna shaqooyinka dawladda ku qaybiyaan nidaam saami qaybsi siyaasadeed ah.

hase ahaatee Bilow Keerow oo tilmaamay in Soomaalidu ay u qalanto xitaa tiro ka badan midda hadda ay heleen maadaama uu gobolku weynyahay ayaa aaminsan in dawladdu ay “boqolkiiba kontan” ay siisay labada qowmiayadood madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu kasoo kala jeedaan halka inta soo hadahay loo qaybiyay 40-ka qowmiyadood ee kale oo qabiillada qar aanay waxbaba helin.

Like it? Share it!

Leave A Response