Axmed Madoobe oo wakiil u magacaabay dalka Kenya

by admin | Saturday, Sep 16, 2023 | 124 views

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay wakiil u fadhindoona dalka Kenya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in Sadiiq Cabdulahi Bogale loo magacabay wakiilka Jubbaland u fadhin doona dalka Kenya.

Hadda ka hor, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu isku dayay inuu wakiil u magacaabo Kenya, balse wuxuu sheegay inuu ka laabtay, isagoo ka fekerayay inaan loo arag inuu arrimihii dibbada ku haysto dowladda federalka.

Axmed Madoobe ma ahan maamul ugu horreeyay ee wakiil u magacaaba dalalka dibbada. Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa sidaas oo kale wakiillo u magacaabay dalalka dibbada.

Kenya ayaa xiriir dhow laleh Axmed Madoobe, waxaana loo arkaa in ay qeyb ka tahay siyaasadaha Axmed Madoobe uu ku joogo xukunka maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response