Abaar daran oo kajirta degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

by admin | Thursday, Jan 27, 2022 | 381 views

Dadka ku dhaqan degaanka Qaradhi ee gobolka Galgaduud ayaa kacabanaya abaar aad u daran oo sameysay dadka iyo duunyada, iyagoo qeyla-dhaan u diray dowladda federaalka Soomaaliya maamul goboleedka Galmudug iyo hay’adaha samafalka.

Ilyaas Xasan Ugaas, oo ka mid ah dadka ku dhaqan Qaradhi ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay inuusan degaanku lahayn xarumo waxbarasho iyo goobo caafimaad toona, taas oo ay u dheer tahay abaar iyo xoolo la’aan haysatay sanadahii tagay.

Mahad Cilmi oo ah guddoomiyaha tuulada Qaradhi ee gobolka Galgaduud ayaa qurba joogta kasoo jeedda degaanka , dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamulka Galmudug, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay lasoo gaaraan gargaar deg-deg ah dadka ku dhibaataysan degaanka Qaradhi.

Degaanka Qaradhi ayaanan helin wax roob ah saddexdii sana ee ugu dambaysay, waxaana guray ceel gacmeedyadii ay horay ugu tiirsanaayeen, iyadoo ay dhamaadeen inta badan xoolihii ay dhaqanayeen ka dib markuu dhacay xaaluf ba’an abaartuna ay ku daba dheeraaty.

Like it? Share it!

Leave A Response