Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo gaaray Baydhabo

by admin | Wednesday, Jan 26, 2022 | 480 views

Wafdi uu hoggaaminaayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socodaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Cabdulkadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

wafdiga ayaa waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoodhaweeyey Mas’uliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo isugu jira Wasiiro ,Xildhibaano, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha guud ee koonfur Galbeed iyo Madaxda Hay’adda Socodaalka Jinsiyada laanta Saddexaad ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee Baydhabo u gaarey ayaa ah u kuurgalida Howlaha Shaqo ee Hay’adda ay ka wado Koonfur Galbeed iyo Wadatashi uu la yeelan doono Madaxda iyo Shaqaalaha Hay’adda.

Sidoo kale Agaasimaha ayaanwaxaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen.

Like it? Share it!

Leave A Response