Qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo Maanta xiran

by admin | Wednesday, Jan 26, 2022 | 548 views

Wararka laga helayo Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qeybaha lagu iibiyo qalabka dhismaha, waxaaana maalmihii la soo dhaafay soo baxayay wararka sheegaya in Kooxda Daacish ay lacago weeydiisatay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa.

Ganacsatada qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo, taas oo culeys ku noqotay Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaada ganacsatada, welina laamaha Amniga Soomaaliya kama hadlin tallaabadaan ay Maanta ku xiran yihiin qeybo kamie au Ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response