Afduubka oo ku soo kordhay Muqdisho

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 909 views

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanaya Mudooyinkii ugu dambeeyay afduubka loo geysanaya Dhalin yarada, iyadoona taasi ay cabsi badan ku abuurtay Shacabka ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Degmooyinka qaar ayaa xilliga habeenkii ah waxaa laga mamnuucay in ay maraan Mootooyinka loo yaqaano bajaajka, maadaama ay korortay afduubka loo geysto dhalinta.
Shalay wiil  yar ayaa waxaa laga soo afduubtay degmada dayniile ee gobalka banaadir, iyadoo Kooxdii Burcada aheyd ee wadatay wiil ay ku tureen degmada hilawaa ee Gobalka banaadir.
Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan afduubka ku soo kordhay Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response