Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo sheegay in la xirey askar tacadi kula kacay weriyayaal

by admin | Tuesday, Nov 5, 2019 | 725 views

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in la xirey askar loo haysto tacadiyo ka dhan ah weriyayaal lagu xirey Muqdisho xilli ay ku gudo jireen howlahooda shaqo.

Boggiisa Twitterka ayuu soo dhigey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed in sharciga la horgeyn doono askartan tacadiyada kula kacday saxafiyiinta.

“Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Ciidanka qalabka Sida ayuu sheegay in looga baahanyahey ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla,sida oo ku bogaadiyay howlaha sugida Amaanka Magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Qalabka sida waxay mudanyihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahanyahay in ay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Cabdinuur ayaa raaligalin siiyay bahda warbaahinta Soomaaliyeed ayaa xusay,in ay qaadayaan talaabo kasta oo lagu xaqiiji karo badqabka wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Weriyaashan la xirey ayaa waxaa ay ka warbixinayeen banaanbax ka dhacay Muqdisho oo loogaga soo horjeeday dowlada federalka,iyadoo markii dambena la sii daayay.

Like it? Share it!

Leave A Response