Al-shabaab ayaa joojiyay dhismaha, Xaruntii Baarlamaanka iyo Madaxtooyada HirShabeelle.

by admin | Monday, Jan 7, 2019 | 919 views

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa joojiyay dhimsaha xarunta Madaxtooyada iyo Guriga Baarlamaanka HirShabeelle, Reysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, ka soo dhagax dhigay magaalada Jowhar, sanadkii hore ee 2018.

Al-shabaab ayaa u hanjabay, shaqalihii dhimsaha xarunta, wadayaasha gaadiidkii Cagaf-Cagafta, iyo wadayaasha kale ee Gaadiidka keena Carrada iyo dhagxaanta, sidoo kale waxaa loo hanjabay Gaadiidka kale ee magaalada Muqdisho ka qaada qalabka dhismaha, waxayna arintaasi sababtay in Shaqadii istaagto.

Al-shabaab ayaa dhawaan ku gubay duleedka degmada Balcad, laba gaari oo qalab dhismo ka qaaday magaalada Muqdisho, kuna sii wajahnaa Jowhar.

Nasiib darrada taallo ayaa ah, in dhismihii istaagay, sidoo kalane la bur-buriyay dhismiyaashii hore meesha ugu yiilay ee lagu shaqeyn jiray, sida Xaruntii Maxkamadda Jowhar iyo kuwa kale.

Madaxda HirShabeelle iyo Inta badan Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa ka maqan Jowhar, waxayna ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amniga HirShabeelle, ha-yeeshee shaqaalaha iyo Wadayaasha gaadiidkii ka shaqeynayay dhismaha xarumahaasi ayaa ii xaqiijiyay in naftooda ay u baqayn, ayna joojiyeen shaqadaasi…

Like it? Share it!

Leave A Response