Goormee ayuu Messi kusoo laabanayaa Qaranka Argentina?

by admin | Sunday, Jan 6, 2019 | 907 views

Markale ayuu xiran doonaa Lionel Messi maaliyadda xulka qaranka Argentina, iyadoo la filayo inuu kusoo laabto u ciyaarista qarankiisa kullanka ka dhacaya Camp Nou bisha March ee sanaddan.

Guillermo Tofoni oo wakiil uga ah FIFA kullankan ayaa go’aamin doono xilliga kullankaas, iyo halka lagu ciyaari doono, iyadoo la tuhunsanyahay in kullankaas uu noqon karo mid lagu ciyaaro garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano.

22-ka ama 26-ka bisha March ayaa lagu madalsanyahay in xulka Argentina ay la ciyaaraan Venenzuela.

Messi ayaa horay u qorsheynayay inuu xulka kusoo laabto marka uu billawdo Copa America xagaaga soo socda, balse kullankan Barcelona lagu ciyaarayo ayaa ka dhigi kara inuu qaranka kusoo laabto ka hor xagaaga.

Captain-ka Barca ayaa xulka Argentina u ciyaarin tan iyo markii 4-3 qasaaro ah kala kulmeen France wareeggii 16-ka ee Koobka Adduunka, xilligaas Argentina laga soo saarray Koobka Adduunka.

Macallinka Albcileste ee Lionel Scaloni ayaa xaqiijiyay in kullanka keliya ee Copa America ka hor ciyaarayaan uu yahay midka la filayo in Camp Nou ay kula dagaallami doonaan Venenzuela bisha March, halkaas oo loo arko inuu yahay meesha ugu wanaagsan ee uu Messi ugu soo laaban karo xulka Argentina.

Like it? Share it!

Leave A Response