Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa

by admin | Sunday, Jan 6, 2019 | 1115 views

Koox Burcad Koonfur Afrikan ah waxa ay Gudaha dalka Koonfur Afrika weerar isugu jiray Dil iyo dhaawac ugu geystay laba Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka dalkaasi ku Ganacsada.

Kooxda Burcada ah ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa ay ugu tageen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika,isla markaana u geystay weerar isugu jiray Dil iyo dhaawac.

Muwaadinka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay jiray Allaha u naxariisteen Cabdi  Casiis Roorow halka midka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Aweys Macalin,kaasi oo ay haleeshay rasaas xoogan oo lagu furay labadood.

Dhaawaca soo gaaray Aweys Macalin ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid fudud,isla markaana hadda lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilaa Ganacsatada Soomaaliyeed,waana dilkii ugu horeeyay ee sanadkan bilowga ah dalka Koonfur Afrika loo geysto CabdiCasiis Roorow oo kamid ahaa dadka dalkaasi ku Ganacsada.

Like it? Share it!

Leave A Response