Al-Shabaab oo bilaabay inay isku fidiyaan deegaano u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

by admin | Sunday, Apr 7, 2019 | 802 views

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa bilaabay inay isku fidiyeen deegaano u dhexeeya degmooyinka Jowhar iyo Balcad iyagoo deegaanadaana ka hirgelinaya maamulo hoos yimaada

Deegaano ay ka mid yihiin Xawaadley, Yaaqle,Shanlow,Dhagaxow iyo deegaano kale oo ku xeeran wabiga Shabelle una dhexeeya degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayay bilaabeen dagaalamayaasha Al-Shabaab inay isku fidiyaan deegaanada ku yaal hareeraha wabiga Shabelle.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxa ay fariisimo aan joogto ahayn ka sameystay wadada laamiga ah gaar ahaan meel u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo Gololey ee degmada Balcad.

“Waxa ay fariisin ka sameysteen deegaanka Raaxooy dagaalamayaasha Al-Shabaab waxayna ka qaadaan lacago canshuur ah gaadiidka maraya wadada laamiga ah.”ayuu yiri mid kamid ah darawalada gaadiidka isaga kala goosha magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sidoo kale waxa ay maamulaan deegaano ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response