Al-Shabaab oo soo buuxiyay Wadada isku xirta, Muqdisho iyo Balcad

by admin | Monday, Sep 16, 2019 | 809 views

Wararka laga helayo degmada Balcad ayaa xaalad cabsi ah ay xalay ka taagneyd degmadaas, kaddib markii la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo aad u fara badan lagu arkay inta u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo buuxiyay deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad, waxaana deegaanada lagu arkay Shabaabka ka mid ah deegaanka Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhulka Carro-Cadka loo yaqaano ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad aanay horay loogu arki jirin Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay mar kale qarka u saaran yihiin inay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad oo aanay horay weeraro ugu dhici jirin, balse weerarkii shalay uu ka dhashay su’aalo kala duwan oo ku aadan mustaqbalka wadadaas.

Al-Shabaab ayaa horay u jaray wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo weeraro isugu jira qaraxyo miino iyo kuwo toos ah ku qaadi jireen gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isu jirta qiyaastii 30KM, waxaana Balcad ka mid aheyd degmooyinkii u horeeyay ee Al-Shabaab laga saaro sanadkii 2012, kaddib howlgaladii loogu magac daray Wadada Balcad.

Like it? Share it!

Leave A Response