Alshabaab oo war kasoo saartay weerarkii ay ka geysteen Saldhiga Ciidamada Mareykanka iyo tirada ay ku dileen

by admin | Saturday, Feb 16, 2019 | 810 views

Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerar madaafiic ah oo shalay subax ay qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in weerarkii madaafiicda ahaa ee shalay ka dhacay xerada Balli-Doogle ay ku dishay sedax askari oo caddaan ah.

Inkasta oo aysan xaqiijin dhalashada askartaas, haddana Shabaab waxay sheegtay in loo badinayo in ay yihiin American. Waxay sidoo kale sheegtay inay dishay shan askari oo ah kuwa calooshood ushaqeystayaasha ah ee shirkadda Bancroft.

Warka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in 8 askari oo Soomaali ah ay ku dhaawameen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Balli-Doogle ee Sh/hoose.

“Askarta caddaanka ah ee ku dhintay weerarkii madaafiicda waxaa kamid ahaa taliyihii heystay saldhigga Ballidoogle oo magaciisa lagusoo gaabiyay G. Four” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Ma jirta cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Sidoo kale dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaan ka hadal weerarkan.

Like it? Share it!

Leave A Response