Amnesty International oo xaqiijisay xadgudubyada bulshada Rohingya loo geystay

by admin | Wednesday, Jun 27, 2018 | 1162 views

Hay’adda Xuquuqal insaanka caalamiga ee Amnesty International oo la hadashay boqollaal ka mid ah qoxootiga Rohingya isla markaana sawirro satelitka lagu qaaday kaashaneyso ayaa waxay sheegtay iney ciidamada dowladda Burma iney bulshada Rohingya bishi August ay ku qaadeen weerarro isirtirtirid ah lagu bartilmaameedsanayo bulshadaasi.

Waxay hay’adda Amnesty inta ku dartay olole qorsheysan oo dil iyo kufsi isugu jiro in bulshadaasi lagula kacay hay’adda oo carrabka ku dhufatay 13 sargaal oo ka mid militariga dowladda Burma oo mas’uul ka aheyd dhibkaasi dhacay.

Saraakiishaasi oo uu ka mid yahay abaanduulaha ciidanka dalkaasi Min aung Laing.

Isaga iyo ciidamada Bruma waxay diideen iney sameeyeen tillaabbo ay si gaar ah ugu beegsanayeen bulshada Rohnigya iyo bulshada rayadka toona.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ee ku taal Hague ayaa waxay eegeysaa in dowladda miyaanmaar lagu sameeyo baaritaan ku saabsan xadgudbyo bani aadaminimo oo ka dhacay dalkaasi.

Milatariga Myanmar ayaa diiday in uu bartilmaameedsaday shacabka iyo bulshada Rohingya.

Dowladda San Suu Kii, ayaa iyaduna shaaca ka qaaday baaritaannada cusub ee ay dowladda barma hormuudka ka tahay ay tahay sida u wanaagsan oo lagu ogaan karo xaqiiqada qarsoon.

Like it? Share it!

Leave A Response