Amniga doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo laga shiray

by admin | Saturday, Aug 21, 2021 | 275 views

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka guud ee Amniga Hirshabeelle oo ka dhacay Beledweyne.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amaanka iyagoo Madaxweyne Kuxigeenka la wadaagay xaaladaha Amniga Magaalada Beledweyne.

Ugu Dambeen Wuxuu Faray Saraakisha Xaqiijinta Ammaanka Magaalada oo ay dhawaan ka dhici doonaan Doraashooyin.

Kulankaan ayaa yimid xilli duleedka magaalada Beledweyne uu ku sugan Generaal Xuud iyo ciidamo uu hoggaaminaayo kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response