Taliban oo shaacisay in ay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay

by admin | Saturday, Aug 21, 2021 | 260 views

Aasaasaha kooxda Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa Sabtidii gaaray magaalada Kabul, si uu wadahadalo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa dowlad cusub uu ula yeesho xubnaha kooxidiisa iyo siyaasiyiinta kale ee Afghanistan.

“Wuxuu soo geli doonaan magaalada Kabul, si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha jihaad-doonka iyo siyaasiyiinta, si loo dhiso dowlad loo dhan yahay,” ayuu u sheegay walaaladda wararka ee APF sarkaal sare oo Taliban ah.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai iyo guddoomiyaha golaha sare ee dib-u-heshiisiinta Qaranka Abdullah Abdullah, oo isbahaysi la ah madaxweynaha is-musaafuriyay ee Ashraf Ghani, ayaa ka mid ahaa madaxdii shalay la kulantay hoggaamiyeyaasha Taalibaan.

“Waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan amniga muwaadiniinta Kabul iyo guud ahaan Afghanistan, midnimada & iskaashiga mustaqbalka dalka,” ayuu Abdullah bartiisa Twitter -ka ku soo qoray kulanka kaddib.

Abdullah, ayaa sheegay in Khalil Al-Rahman Haqqani oo dowladda Mareykanku ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah sanadkii 2011, uu hoggaaminayay wafdiga Taalibaan, wuxuuna xusay in Guddoomiyaha Senate-ka Afghanistan Fazal Hadi Muslimyar iyo xubno kale ay goobjoog ka ahaayen kulankaas.

Like it? Share it!

Leave A Response