Ciidamo loo tababaray Miino baarista oo tababaray loo soo xiray

by admin | Saturday, Aug 21, 2021 | 259 views

Xubno ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qaybteeda 27-aad ayaa maanta loo soo xiray tababar la xiriira miino barista, tababarkan oo u socday 20-tan ka mid ah Ciidanka mudo lix bilood ah ayaa ugu soo xirmay maanta xerada Ceelgaal ee magaalada Beledweyne.

Tababarkan ayaa waxa bixinayey khuburo ka socotay Heya’adda UNMAS oo Heya’adda miinooyinka ee qaramada midoobay.

Taliyaha ciidanka guutada 5-aad qaybta 27-aad Col Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa shahaadooyinka Guddoonsiiyey saraakiisha iyo Ciidanka Tababarka u soo dhamaaday, taliyaha ayaa ka hadlay muhiimada uu tababarkan u leeyahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed isagoo faray ciidanka inay wixii ay tababarka ka korodhsadeen ugu shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response