Arday Careysan Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta W/Waxbarashada Puntland

by admin | Sunday, Oct 11, 2020 | 344 views

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay banaanbax xoogan oo ay dhigeen Aradyda wax ka barata Iskuul ku yaalla Garoowe.

Aradydaas ayaa careysnaa macalimiin wax u dhigeysay oo laga eryay Iskuulka Gambool ee Garoowe oo Aradydaas wax ka bartaan, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin tallaabada shaqada looga eryay macalimiinta.

Sidoo kale Ardayda ayaa banaanbax kooban ka hordhigay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, isla markaana waxaa Ardayda qaarkood ay dhagxaan ku weerareen Xarunta Wasaaraddaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhagxaanta lagu weeraray Xarunta ay waxyeelo gaarsiiyeen dhismayaasha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, iyagoo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Maamulka Iskuulka Gamboole.

Ardayda ayaa burburiyey gaariga maamulihii dugsiga oo xilligaasi yaallay afaafta hore ee xafiiskiisa, waxaana la tilmaamay in maamulaha uu Albaabka xafiiskiisa soo xirtay, ayna Ardayda qaar doonayeen inay waxyeeleeyaan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ay uga hadlayaan banaanbaxii ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaana qaar kamid ah Aradyda ay sheegeen inaysan dib ugu laaban doonin Iskuulkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response