Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. ⓘ Labadaan askari ee dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu kala magacaabi jiray Geedoow Maxamed Fidle oo loo yaqiinay Abuuroow iyo Ismaaciil Cabdullaahi...

Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed. Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay mashruuca halka doollar ee dalkaaga ku dhiso uu yahay barnaamij lagu taakulaynayo Ciidamada Qalabka sida ee Furimaha Dagaalka ku sugan. Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ka Maamul Gobol ahaan uu u taagan yahay sidii loo dhaqaan lahaa barnaamijkaan dhaqaalah loogu uruurinayo...

Isimada Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa xalay shir wadatashi ah uga furmay magaalada Garowe, iyagoo doonaya inay xal u raadiyaan khilaafka cakiran ee arrimaha doorashooyinka Puntland. ⓘ Kooxaha mucaaradka ayaa horey ugu baaqay inay isimadu soo fara galiyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, iyagoo ka walaacsan damaca siyaasadeed ee madaxweyne...

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ka dambeysay weerarkii uu dhawaan ku qaaday beesha Abgaal. Cosoble oo markaasi si weyn u dhaliilay duubabka dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee beesha, ayaa qoraal uu soo saaray maanta, waxa uu ku sheegay inay ka aheyd guubaabo, si beesha ay kaalinteeda u qaadato, taasi...

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar. Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye...

Wiil yar oo kow iyo toban jir ah, ayaa fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, sida lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay maamulka isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. ⓘ Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay, Cabdinaasir Yuusuf Jihaad, ayaa maalintii shalay ahayd isagoo mayd ah waxaa la geeyay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo. Maamulka...

Saddex kamid ah xisbiyadii siyaasadeed ee lagu tirinayay inay u janjeeraan dhinaca madaxweyne Deni, ayaa ka horyimid qorshe madaxweyne Deni uu watay oo ahaa  in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay doortaan shacabka. ⓘ Saddexdan xisbi, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garowe, waxay ku baaqeen, si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda Puntland, in  baarlamaan...

Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasha Instagram-ka oo isku tilmaamay inay yihiin Falastiiniyiin. Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda. “Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,”...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor guutada 18-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug. ⓘ Howlgalka qorsheysan ayaa si gaara ciidanka waxay uga sameyeen dhulka Miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Shabeeloow iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug. Taliye ku xigeenka guutada 18-aad...