Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa safar aan horay loosii shaacin ku gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya si uu Dhaxalsugaha dalkaas uu ugala hadlo xalka xiisadda ka taagan Bariga Dhexe. Blinken ayaa dhowaan tagay Magaalada Tel Aviv isaga oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan Israaiil waxaana uu kala hadlay taageerrada...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay Khudbad uu uga hadlay xaaladda guud ee Dalka ayaa soo jeediyay in la garab istaago Ciidamada ku jira howlgallada ka dhanka ah ‘AS’. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wiilal iyo Gabdho Soomaaliyeed dhiiggooda ku daadiyaan dagaallo siyaasadeed ama kuwo...

Ciidamo katirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamaya deegaanka Barujeed Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo u xog-warramay. Dagaalka waxaa ka horreeyay qaraxyo laga maqlay furimaha dagaalka, waxyar uun kaddib markii qaraxyadaas ay dhaceen waxaa billowday...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo boolis ah lagula eegtay xaafadda Waxar Cadde  oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la qarxiyay...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in anay ogolaanayn in maamul laga dhiso gobolada SSC, isaga oo sheegay in Somaliland xoog ku difaacayso gobolada. ⓘ Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada “Hadii ay la noqotay in ay fudutahay in Somaliland la weeraro, cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyo,...

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo agaasimaha Guud ee wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle, ayaa Garoonka Diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo Dhaweeyey wafdi heer caalami Ah oo u hogaaminayo Gudoomiyaha Hay’adda Qaran ee mareeynta Masiibooyinka, qeybna...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta hal waqti la isugu geynayo Doorashada Dowlad-Goboleedyada taasi oo dadka qaar ee xildoonka ah ay ku doodeen muddo kororsi loo sameeyay qaar kamid ah Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Dowladdu ay ogtahay madax waqtigoodu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kulan aqalka Dowladda Hoose ugu qabtay hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in uu garab taagan yahay maamulkiisa. Madaale ayaa Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye la wadaagay sida loo keenay mashruuca Dalkaaga ku dhiso hal doollar kaas oo uu tilmaamay...

Waxaa sii kordhiya dhibaatooyinka xooggan ee Israaiil ka geysaneyso dhanka Magaalada Gaza iyada oo wax ka yar 24 saac duqeynta Yuhuudda ay ku dhinteen ugu yaraan 256 ruux oo 20 kamid ah Carruur halka ay dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 1,788 qof. Wakaaladda Wararka u faafisa Falastiin ee WAFA ayaa soo bandhigtay caddeynta dhibaatooyinkaas dadka rayidka ah ee Israaiil u geysatay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay shaqsiyaad qaarkood katirsan Dowladda oo muddooyinkii dambe u goosanayay dhinaca ‘AS’. Fiqi ayaa sheegay in arrintaas ay dhalisay kaddib markii Dowladda Federaalka ay diiradda saarto in la kala shaandheeyo Dadka xiriirka la leh ‘AS’ iyo kuwa aanay wax...