Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay banaanka hore ee Xarunta dowlada hoose ee ee Gaalkacyo  ee Galmudug. Qaraxa ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen in uu ahaa Miino la geliyay fuusto qashin ah oo taallay banaanka hore Xarunta dowlada hoose, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay Afar...

Waxaa hubaala in qof kasta oo ku nool dunida guudkeeda ay soo food saarayso dhibaatooyin ama caqabaad ka hor istaaga inuu gaadho hadafkiisa ama ujeedadiisa, aalaabana waxay mashaakilaadku ka hor yimaadaan dadka leh ahdaafta kuna mashquulsan sidii ay u xaqiijin lahaayeen ugana midha dhalin lahaayeen himilooyinkooda. Waxaan odhan karnaa qof aan hadaf lahayn waxaa Mushkilo...

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in todobaadkii hore magaalada Qaahira ee dalka Masar uu safar ku tagay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif, kaasoo farriin gaar ah ka siday Madaxweyne Farmaajo. Ilo wareedyada ayaa sheegaya farriinta uu siday Xasan Khaliif ay isugu jirtay arrimo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa arrinta...

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana kasoo baxaya faah faahino. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka oo galbinayay gaadiid ay u rarnaa Ganacsatada degmada...

 Warqad ka soo baxday xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu faray illaa 14 masuul oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo qaarkood horay xilalkii looga qaaday inay dib u soo celiyaan gaadiid ay dowladdu leedahay. “Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ilaalinta Hantida Qaranka ayuu xafiisku tirakoob iyo xaqiijin wajigii labaad...

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxkamadda sare ee Dowlad goboleedka Puntland inay sharci ka dhigtay xasaanad ka qaadistii golaha Wakiilada Puntland ay ku sameeyeen 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland. Warar horudhac ah oo la helay ayaa sheegaya in 5 Garsoore oo dacwadda go’aaminteeda lahaa ay 4 kamid ah  isku raacday in Xasaanad ka qaadistaas ay...

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ayax farabadan oo ku habsaday beero farabadan oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, waxaana uu baabi’iyay dalagyo ku yaalla Beerahaas. Beeraha uu Ayaxa ku habsaday ayaa badi waxaa ku yaalla Khudaarka Babaayga, waxaana qaar kamid ah Beeraleyda ay sheegeen in Ayaxa uu baabi’iyay ilaa dhowr hektar oo uu...

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaa weli uu kulan uga socdaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusee Rooble & Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa jira isfaham-waa la xiriira Magacaabista Puntland ee guddiga doorashooyinka, iyada oo ra’iisul wasaare Rooble uu dalbaday in Puntland...

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo. Qaraxa oo an weli noociisa la shaacin ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay banaanka hore Xarunta Dowladda Hoose ee Galmudug ee  Koonfurta Gaalkacyo gaar ahaan halka ay ka baxaan...

Madaxwayne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulanka dardar galinta amniga deegaannada Jubbaland. Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxwayne ku-xigeeenka 2-aad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ,taliska iyo saraakiisha Ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland. Kulankaan...