Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malasia waxaa maalintii sadexaad ka socda shir Madaxeed ay leeyihiin dalal dhowr ah oo Muslimiin ah, kaasoo ay uga hadlayaan qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu ad-adag ee heysta dunida Muslimka. Dalal dhowr ah oo Sacuudigu uu ku jiro ayaanan ka qeyb galain shirka. Sacuudigu waxa uu sheegay in shirkaasi uu qaadacay inuu baal maray ururka...

Magaalada Beledweyne gaar ahaan xarunta Dhexe ee Saldhiga Booliiska waxaa maanta lagu qabtay munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 20 December oo ku beegan maanta oo kale 1943 kii Aas-aaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaa ka qeybgalay munaasabada mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulka gobolka Hiiraan,  saraakiisha ciidan,...

Ciidamada xooga dalka ayaa Maanta waxaa ay howlgal ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay Tuulada geelgub oo qiyaastii 20 km u jirta degmada cadalle oo ay ku sugnaayeen. Howgaladaan oo ah kuwa lagu sugayey ammaanka deegaanadaasi ayaa waxaa hogaaminayay Taliye ku xigeenka ciidamada xooga dalka sareeye guuto Maxamed Cali...

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay degaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka  Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda,...

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya u soo jeedisay in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda 2020/21, iyadoo aan muddo kororsi dhicin. Waxay soo jeediyeen qodobadan: Ixtiraamka Dastuurka•Hubinta in doorashooyinka federaalka la qabto waqtigii loogu talagalay dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021, iyada oo aan muddo kordhin loo samayn xukuumadda iyo Baarlamaanka. •Hubinta matalaad...

Tobnaan kun oo dibadbaxayaal ah oo ku kala sugan gudaha Hindiya ayaa jebiyay amarkii dowladda ee ahaa inaysan dibadbaxyo sameyn, iyagoo ka cabanaya sharciga cusub ee dhalashada ee lagu muransan yahay. Booliiska ayaa xirxiray arday iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Kumannaan booliis ah ayaa lagu daad gureeyay magaalada acasimadda ah ee Delhi, halkaasoo ay dhowr...

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay Maxbuus xoog looga saaray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ka dibna geeriyooday. Wasiirka waxaa uu sheegay in tilaabaddaasi ay ka dhalatay Carro, islamarkaana ay waddaan baaritaano ku aadan sidda ay wax u dhaceen Shaqaddiina laga joojiyay Mas’uuliyiintii falkaasi ku kacay. Waxaa...

qaar ka mid ah dadka kunool magaalada baladweyne ayaa warbaahinta ushegay in dolwada hose  ee bladweyne  in aysan wax u qabanin dadka baladweyne kunool. ...

Magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta ayaa waxa ka bilowday qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la rabo inuusan dib ugu soo laaban hogaanka dalka, sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay in uu dalka Imaaraadka Carabta u joogo qorshe ka dhan ah Madaxweyne...

Xoghayaha guud ee Q.M , Antonio Guterres ayaa  khudbad ka jeediyay Shir caalami ah oo arrimaha qaxootiga looga hadlayo oo Magaalada Geneva ka socda. Shirkaan ayaa  looga hadlaya sidii xal waara loogu heli laha a malaayiin qof oo colaaduhu barakaciyeen. Xogahayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Gutterres oo furay shirka looga hadlayo arrimaha qoxootiga oo ka furmay...