Axmed Karaash oo Qardho ka wada kulamo looga hadlayo Amniga & Abaaraha

by admin | Friday, Apr 29, 2022 | 502 views

Kusmimaha Madaxweynaha Puntland ahna Mdaxweyne kuxigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugan Magaalada Qardho ayaa waxaa uu halkaasi ka bilaabay kulamo looga hadlay xaaladaha kala duwan ee kajiraa Magaaladaas.

Axmed Karaash ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga Amniga gobolka Karkaar, iyaga oo  siguud uga wada hadlay xoojinta Amniga guud ee gobolka Karkaar iyo xaaladaha kale ee kajira

Xubnaha Guddiga oo u horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa ay u gudbiyeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland xaalada ammni ee Gobolka , isaga oo kula dardaarmay in la xoojiyo Amniga.

Dhinaca kale Kusmimaha Madaxweynaha Puntland ahna Mdaxweyne kuxigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Nabadoonada iyo qaar kamid ah Waxgaradka gobolka Karkaar, iyaga oo siiyay warbixin la xiriirta xaalada abaareed ee Gobolka iyo baahiyaha kajira.

Axmed Karaash ayaa u sheegay Nabadoonda in Maamulka uu diyaar la yahay in u wax ka qabto baahiyaa guud ee kajira Gobolka, hayeeshee dhankooda looga baahan yahay inay Maamulka si wanaagsan ula Shaqeeyaan.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in uu kulan la qaato saraakiisha Hay’daha Amniga ee Gobolka Karkaar, isaga oo kala hadli doona howlgallada socda.

Like it? Share it!

Leave A Response