Baarlamaanka Uganda oo yeeray Wasiirka Difaaca si wax looga weydiiyay Askartii looga laayay Buula-mareer

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 1059 views

Wargeyska The Observer ee kasoo baxa  ayaa qoray in gudoomiye ku xigeenka dalka Uganda ayaa u yeeray Wasiirka difaaca dalkaas si wax looga weydiiyo askartii dhawaan lagu dilay gobolka Sh/hoose.
Wararku waxay sheegay in ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Uganda Jaakob Awlaanyah uu u yeeray wasiirka difaaca wadankaas Adolf Mwesige waxana wax laga weydiinaya tirada rasmiga ah ee askarta Uganda uga geeriyooday weerarkii Al-Shabab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee G/Sh/hoose.

Jakob Awlaanyah waxaa uu sheegay in dadka dalka Uganda ay u baahanyihiin inay ogaadaan khasaaraha ciidamadooda soo gaaray sidaa darteedna xukuumada laga sugayo inay tiro koob rasmi ah soo saarto.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Uganda waxaa uu xusay inay wasiirka uga baahanyihiin inuu xildhibaanadda la hor akhriyo tirada rasmiga ah ee askarta geeriyootay iyo magacayadoodaba taasoo ah mid  keeni karta in tiro koob la helo.
“Dawladu willi ma ay shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ku geeriyootay weerarkii Axadii Soomaaliya ka dhacay hadda ayaanse uga fadhinaa” ayuu yiri afhayeen ku xigeen dalka Uganda waxaana uu intaa ku daray in xukuumadda uga baahanyihiin inay shaaciso waqtiga ciidamada Uganda laga saarayo Soomaaliya.

Dawlada Uganda siyaabo kala duwan ayay uga hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Axadii Al-Shabab ku qaadeen saldhiga ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer.

War taliska Uganda kasoo baxay waxaa lagu sheegay in 4 askari ay weerarkaasi ku geeriyoodeen inkastoo M/weynaha dalkaasi uu todobaadkii hore bartiisa Twiterka ku baahiyay in 8 askari ay weerarkii Buulo Mareer ku waayeen.

Warbaahinta qaar ayaa baahiyay in khasaaruhu intaa ka badan yahay oo ay gaarayaan 46 askari halka Al-Shababna ay sheegteen inay ciidamada Uganda ka dileen 59 askari.

Like it? Share it!

Leave A Response