Barcelona Wuu Saamayn Doonaa Dhaawac Messi – Tababare Valverde Oo Si Murugo Leh Uga Hadlay Dhaawaca Lionel Messi

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 1046 views

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona, Ernesto Valverde ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaadhay kabtanka kooxdiisa Lionel Messi iyo saamaynta maqnaanshihiisu ku yeelan doono.

Messi ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex toddobaad ah, kulanka ugu weyn ee uu seegi doonaana waa ciyaarta aadka loo sugayo ee El Clasico oo ay la ballansan yihiin Real Madrid toddobaadka soo socda.

Valverde oo u warramay warbaahinta Movistar Partidazo ayaa waxa uu tibaaxay inay sugayaan shaybaadhada oo dhamaystirin si ay warka ugu dambeeya ee kulamada uu maqnaanayo u sheegaan, hase yeeshee waxa uu rajo xumo ka muujiyey dhaawaciisa oo uu tilmaamay inuu yahay mid xasaasi ah.

“Waxaanu sugaynaa waxa shaybaadhka kasoo baxa, waqtigana ma hayno wax war ah. Waa inaanu niyad wanaagsanaano laakiin xaqiiqadu waxay tahay in Leo uu si dhab ah uga baxay garoonka.” Sidaas ayuu yidhi Valverde.
“Waxa cad in dhab ah in dhaawaciisu xaasaasi yahay. Waxa aanu ognahay waxa uu na siiyo iyo waxa ay kooxda naga soo horjeeddaa ka fikirto marka ay garoonka  ku arkaan Leo. Waa inaanu isku diyaarino sidii aanu la’aantii u socon lahayn xattaa haddii ay kulamo adag soo socdaan. Hore waxa aanu usoo ciyaarnay kulamo uu naga maqnaa, waxaananu isku daynay inaanu qaab-ciyaareedkayaga sii wadno.” Ayuu mar kale yidhi Valverde.

Tababare Valverde waxa kale oo uu ka hadlay labada ciyaarood ee adag ee Inter Milan iyo Clasico oo Real Madrid ah oo iskugu xigaya, waxaanu yidhi: “Waa toddobaad muhiim noo ah, waxa aanu la ciyaaraynaa Inter anagoo hoggaaminayna Group-ka, kaddibna Clasico. Waxa aanu leenahay rajo sarraysa toddobaadkan, laakiin waa laba ciyaarood oo adag. Waxa aanu yoolka saaraynaa inaanu ka guuleysano Intere, kaddibna aanu isku dayno inaanu garaacno Madrid, waanaynu arki doonaa inaanu awoodno taas.” Ayuu mar kale yidhi.

Barcelona ayaa toddobaadkan kulan ka tirsan tartanka Champions League waxay la ciyaari doonaan Inter Milan ka hor inta aanay toddobaadka dambe garoonka Camp Nou kusoo dhawaynin Real Madrid.

Like it? Share it!

Leave A Response